R/wasaarihii hore ee Bortaqiiska Antonio Guterres ayaa si aan rasmi aheyn loogu doortay inuu noqdo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee bedeli doona, Ban Ki Moon, waxaa lagu wada in si rasmi ah xilkaasi loogu doorto maalmaha soo socda. Shalay oo Arbaco ah ayaa codeyn dhacday 13 ka mid ah 15ka xubnood ee joogtada ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay waxey ogolaadeen murashaxnimada Guterres ee xilkan, halka labada xubnood ee kale ay ka gaabsatay. Mana jirin cid diiday. Maalinta ayaa la filayaa inay goluhu si rasmi ah ugu codeyaan, kaddibna ay soo saaraan qaraar ku aadan go’aankooda, kaddibna waxey u diri doonaan taladooda, Golaha Guud ee loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, kuwaa oo si rasmi ah u sharciyeyn doona xilka Guterres. Guterres, oo 67 jir ah ayaa soo noqday Ra’isul Wasaarihii Portugal intii u dhaxeysay 1992dii iyo 2002dii. Kaddib waxa uu madax ka noqday Hey’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay muddo 10 sanadood ah -2005-2015kii. Intii uu ololihiisa ku jiray ayuu VOAda uu sheegay inuu xilkan ugu sareeya Qaramada Midoobay u ordayo si uu xal ugu raadiyo mashaakilaadka dunida ka oogan, waxa uu xilkan kala wareegi doonaa Bankii Moon bisha Janaayo ee sanadka 2017ka.
↧