Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Qalab caafimaad oo lagu wareejiyay isbitaalka Forlanini+Sawirro

$
0
0
Qalabkan Caafimaad oo Hay’adda Intarnational Relief Foundation ku wareejisay isbitalka Forlanini ama Lazareeti ayaa isugu Jirtay Sariiro, Joodariyaal ,iyo Qalab Caafimaad oo adeega isbitalka  u baahnaa. Xildhibaan Shariif Mxamed Siidii oo ka mid ah mudanayaasha Barlamanka ahna Madaxa guud ee Hay’adaha  qalabkan  Caafimaadka ku wareejisey isbitalka Forlanini ayaa  sheegey in Qalabkan wax badan uu ka tari doono Bukaannada isbitalka jiifa,  wuxuuna intaasi uu ku darey iney bilow fiican tahay, laakin qorshahoodu uu yahay in kaalin fiican ay ka Qaataan Horumarka isbitalkaasi. “qalabkan oo aan ugu deeqney isbitalka Forlanini cisbitalkan waxaa uu yahay Cisbitalka ugu weeyn ee Soomaaliya waxaana dhisey Dowlada Talyaaniga ,intan waa bilow laakin waxaan diyaar u nahay in aan ku caawino isbitalka qalab intaas ka badana  soo gaarsiino” ayuu yiri  Xildhibaan Shariif Mxamed Siidii Agaasimaha guud ee isbitalka Forlanini Drs. Faadumo  Cabdi Macow ayaa soo  Dhoweysay qalabkan lagu wareejiyey isbitalka Forlanini iyadoo dhinaca kale sheegtey in isbitalka Forlanini u baahanyahay agab Caafimaad oo intaas Ka badan. “Aad ayaan u soo dhoweyneynaa qalabkan oo Hay’adda nagu wareejisey qalabkana waxaa uu isugu Jiraa sariiro joodariyaal iyo qalab caafimaad iyo kuwa nadaafada qaabilsan ,waxaana codsaneynaa in gurmad kale iisbitalka uu helo.” ayuu yiri Agaasimaha guud ee isbitalka Forlanini Drs. Faadumo  Cabdi [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles