Aqoon iswaydaari ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha dawlad goboleedka Galmudug ayaa magaalada Cadaado looga furay ilaa 100-Ruux oo isugu jira hawlwadeenada wasaaradda iyo shaqaalaha maamulada degmooyinka Cadaado, Gaalkacyo, Hobyo, C/waaq, Balanballe iyo Xeraale. Aqoon iswaydaarsigan oo socon doona muddo 3-maalmood ah ayaa waxaa lagu barandoonaa maamul wanaagga iyo hogaaminta fiican, iyadoo furitaankiisa ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan maamulada degmooyinkaas, maamulka gobolka Mudug iyo madaxda sare ee Galmudug. Wasiir dawlaha arrimaha gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye ayaa sheegay in aqoon iswaydaarsigan looga gol leeyahay in sara loogu qaado xirfadda shaqaalaha wasaaradda iyo hawlwadeenada maamulada degmooyinka. Madaxwayne ku xigeenka dawlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo aqoon iswaydaarsigan furay ayaa ka qaygalayaasha kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan islamarkaana ay ku dabaqaan hawl maalmeedkooda shaqo.
↧