Xaflad balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen guddiga ardeyda Soomaalida ee Jaamacadda Karachi ayaa lagu qabtay isla jaamacadda Karachi. Bandhiga dhaqanka Soomaalida waxaa kasoo qeyb galay hormuudka kuliyadaha Pharmacy , Micro-biology macalimiin iyo ardey badan. Munaasabada oo socotay qadar saacado ah ayey ardayda Soomaalida ee Jaamacadda Karachi kusoo bandhigeen waxyaalaha hiddaha iyo dhaqanka u ah Soomaalida , taariikhda wadanka Soomaaliya ,cunto iyo qaar ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida. Xaflada ayaa soo jiidatay boqolaal ardey oo u dhashay wadanka Pakistan, kuwaas oo xiiseynayey iney wax ka ogaadaan dhaqanka Soomaalida , waxaana halkaas kusoo dhaweeyay gudiga ardeyda Soomalida ee Jaamacadda Karachi, iyagoo qof qof iyo kooxba si guud ugu sharaxayey dhaqanka iyo taariikhda wadankeena. Xaflada oo aheyd mid si qurrux badan loosoo agaasimay ayaa waxaa furey guddoomiyaha ardeyda Soomalida Jaamacadda Karachi mudane C/risaaq Mohamed Cali (kalaay) waxuuna kusoo dhaweeyey marti sharafta, isagoo ku dheeraaday inuu wax badan ka sharaxo sooyaalka taariikhda Soomalida mid dhaqan dhaqaale, iyo waxyaabaha dhaqanka ay Soomaalidu uleedahay Waxaa intaas kadib la daaray astaanta Qaranka Soomaaliya, iyadoo kasoo qeyb galayaashii u istaageen si ay xushmad ugu muujiyeen ardeyda Soomaalida Hormuudka kuliyada pharmacy Sir eqbal Azhar oo hadlay waxuu umahad celiyey qaban qaabiyayaasha xaflada, waxuu kaloo ammaanay [...]
↧