Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Waxqabadka Dawladda ee todobaadki la soo dhaafay+Sawirro

$
0
0
Mogadishu, 01 October 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Dowladda oo Daahfurtay Mashruuca Maaliyada Ciidanka Qaranka, Tababar ka faa’iideysashada Cadceeda oo Muqdisho lagu soo gabogabeeyey, Ciidamada XDS oo 8 Al-Shabaab ah ku dilay deegaanka Gaanjo-roon, Madaxweynaha oo Waraaqihii Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Talyaaniga, Madaxweynaha Puntland oo dhagax-dhigay dhismaha Wasaarada Waxbarashada ee Puntland, Ciidanka XDS oo maleeshiyaad Al-Shabaab ah ku dileen Iidaale, Ciidanka oo Howlgalo ka sameeyey Suuqa Bakaaraha, Shirka Maamul u sameynta Dowlad Goboleedka Hiiraan & Sh/Dhexe oo wajigiisii labaad u gudbay iyo Tababarka ururinta macluumaadka Kalluumeysiga oo Muqdisho lagu qabtay. Dowladda oo Daahfurtay Mashruuca Maaliyada Ciidanka Qaranka Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Ibraahim Ferkeeti ayaa 29 September 2016 daah furay mashruuca daahfurnaanta maamulka maaliyadda ee dhanka Ciidanka Qaranku oo socon doono mudo laba bilood ah, kaas oo lagu tayeeynayo mushaaraadka ciidanka qaranka si ay u helaan xuquuqdooda waqti cayiman. Shirka lagu daah furayey mashruucaan cusub ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Gaashaandhiga Gen; Cabdulqdir Cali Diini, Khubaro ka socotay Wasaarada Amniga Qaranka, Saraakiil ka socotay midowga yurub oo tababarta ciidanka, [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles