Muqdisho, 29, Sept, 2016….Wasiika Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Ibraahim Ferkeeti ayaa maanta daah furay mashruuca daahfurnaanta maamulka maaliyadda ee dhanka Ciidanka Qaranku oo socon doono mudo laba bilood ah, kaas oo lagu tayeeynayo mushaaraadka ciidanka qaranka si ay u helaan xuquuqdooda waqti cayiman, Shirka lagu daah furayey mashruucaan cusub ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Gaashaandhiga Gen; Cabdulqdir Cali Diini, Khubaro ka socotay Wasaarada Amniga Qaranka, Saraakiil ka socotay midowga yurub oo tababarta ciidanaka, iyo Saraakiil AMISOM. Ugu horeyntii Wasiirka Maaliyadda mudane Farkeeti ayaa sheegay in dowladu ay ku guulaysatay in shaqaalaha dowladda ay mushaarkoodu ugu dhacaan xisaabaha uga furan Bangiyada, maantana aan daahfurayno mashrucaana kaas la mid ah oo lagu tayeeynayo in ciidanka qaranka loo sameeyo hab u sahlaya in mushaarkooda ku helaan waqti cayiman. “Ciidnakeenu waxay safka hore uga jiraan dagaal ay kula jiro kooxaha nabad diidka ah ee Alshabaab, waxayna u taagan yihiin xaqiijinta Amniga, Waxaa ka dowalad ahaan waajib nagu ah in aan ka taxadarno bixinta mushaaraadka ciidamada kala duwan, uuna noqdana mid si joogta ah loo helo, taa marka la suurtagalinayo waa in la helo qaab ku salaysan isla xisaabtan iyo hufnaan lagu bixiyo mushaaraadka ciidanka” Wasiirka Maaliyadda oo sii hadlayey [...]
↧