Wajiga Labaad ee shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelle ayaa ka furmay magaalada Jowhar kaasoo lagu ansixinayo dastuurka uu yeelandoono maamulkaasi. Furitaanka shirkan oo ay ka qeyb galeen ergooyin ku dhow 300 laguna ansixinayo dastuurka dowlad goboleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa waxa ka qeyb galay Xoghayaha Joogtada ah ee wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka Dr Yahye Cali Ibraahim, Gudiga fududeeynta shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, mas’uuliyiin ka socotay maamullada Hiiraan iyo Sh/dhexe, urur goboleedka IGAD iyo waxgaradka labada gobol. Gudoomiyaha Gudiga Fududeenta Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe Ciise Samow ayaa u mahad celiyay salaadiinta dhaqanka iyo dadka labada gobol oo in muda ah u dhabar adeegay inay dhistaan maamul aayahooda ka shaqeeya. ‘’ Waxaan ku faraxsanahay in maanta la soo gaaray wajiyadii u dambeeyay ee shirka oo aan xareynayno ergadii ka doodeysay dastuurka dowlad goboleedka dhamaan intii u dhabar adeegtay duubabka dhaqanka iyo ergooyinka waan u mahadcelinaya” Ayuu yiri Gudoomiye Samoow Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Sh-dhexe ahna Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada gobolka oo marti galinaya shirkan iyo Gudoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Macalin Qalaafoow ayaa sida wadajir ah u bogaadiyay furitaanka wajiga labaad ee shirka iyo ku guuleysiga xareeynta ergada ee wasaaradda [...]
↧