Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wariye ka tirsanaa Idaacadda Shebeelle oo caawa lagu dilay Muqdisho

$
0
0
Allaha u naxariiste C/casiis Maxamed Cali Xaaji oo ka tirsanaa wariyayaasha ka howlgala Idaacadda Shabeelle  ayaa kooxo hubeysan caawa ku dileen degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” uu ka tacsiyeeyay geerida Marxuumka. Kooxo hubeysan oo watay Mooto Bajaaj ayaa la sheegay in ay wariyaha ku toogteen  meel u dhow gurigiisa oo ku yaala degmada Yaaqshiid. Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa si kulul u cambaareeyay dilka Wariyahaasi,  isagoo sheegay in lagu raad joogo gacan ku dhiiglayaashi dilay Marxuumkaasi, wuxuuna tilmaamay in sharciga la horkeeni doono. Sidoo kale wasiirka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray eheladi, qaraabadi iyo asxaabti uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee C/casiis Maxamed Cali Xaaji oo ay dishay gacan ka gardaran. Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles