Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Daawo:Tababar ku saabsan sida looga faaiideysan karo nalalka ku shaqeeya cadceeda oo Muqdisho lagu soo gaba gabeeyey

$
0
0
Xiritaanka tababarkaan oo ku saabsana sida looga faaiideysan karo qoraxda, islamarkaana loo hirgaliyo nalalka ku shaqeeya cadceeda, waxaa uu socday mudo labo maalin ah, waxaan xiritaankiisa maanta ka qeyb galay wasiirka wasaarada howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya Eng: Saalax Sheakh Cismaan, xubno matalayey maamulada dalka kajira iyo masuuliyiin kale oo katirsan wasaarada. Dhinacyada ka qeyb galay tababarka  oo kala matalayey maamul goboleedyada dalka ayaa labada maalin ee uu socday baranayey muhiimada habka loo hirgliyo nalalka ku shaqeeya cadceeda. Sidaasi oo kalen waxaa ay madasha kusoo bandhigeen baahiyaha deegaanadooda ay u qabaan arintaasi. iyadoo gaba gabada tababarka laisku raacay qodobo dhor ah oo dhinacyadu ay ku heshiiyeen. Wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska dalka Eng Saalax Sheakh Cismaan ayaa sheegay in wasaarada qorshaheeda uu kamid yahay shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada si isku filnaan loo gaaro. “Waxaan shaqo abuur u sameyn doonaa dhalinyarada, sababtoo ah waxan u baahanahay inaan gaarno isku filnaasho”ayuu yiri wasiirka. Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska ayaa wada dadaalo xoogan oo ay uga qeyb qaadaneyso dib u dhiska dalka.   Sawir qaade Maxamed C/laahi Feereysane  

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles