Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Muqdisho oo lagu qabanaayo doorashada Xildhibaanada Hiiraan iyo Sh/dhexe

$
0
0
Guddiga doorashooyinka Dadban ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay goobta lagu soo xulaayo xildhibaanada gobollada  Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya. Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee dowladda Md:Cumar Cabdulle Dhagey ayaa sheegay in magaaladda Muqdisho lagu qaban doono doorashada xildhibaanada Baarlamaanka ee gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Mudane Cumar Dhagay ayaa sidoo kale xusay in odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada ay si weyn u soo dhawaynayaan in xildhibaanada Ka imaanaya Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe lagu doorto magaalada Muqdisho. Hadalkan ka soo baxay Guddiga  Federaalka ee doorashada dadban wuxuu meesha ka saarayaa khilaaf la xiriiray halka ay ka dhacayso doorashada xildhibaanada goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles