Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug”Waxaan bilaabeynaa howlgal cusub oo ka dhan ah Al-shabaab”

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay ayaa sheegay in ay qorshaynayaan howgal ka dhan ah Al-Shabaab oo laga bilaabo deegaanada maamulka Galmudug. Waxaa uu sheegay in ciidanka laysku dhafi doono oo la mideyn doono si ay Maleeshiyaadka Al-Shabaab kaga saaraan degmooyinka iyo sidoo kale deegaanada ay gacanta ku hayaan. Maxamed Xaashi Cabdi Carabay ayaa sheegay in ciidanka maamulka Galmudug ay bilaabayaan guluf colaadeed oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in ay jiraan ciidamo aad farabadan oo katirsan Galmudug, soona qaatay tababaro kala duwan , kuwaa soo ku sugan deegaanada  maamulka Galmudug. Shacabka kunool deegaanada maamulka Galmudug ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan howgalka ayna taageeraan ciidanka Galmudug.  

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles