Shalay oo Jimco ah waxaa la soo gebagebeeyay dhegeysiga Diidmada Hordhaca ah ee Kenya ay uga soo horjeeddu furitaanka Dacwadda Kenya ka dhanka ah ee ay Soomaaliya u soo gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee magaaladan Hague. Soomaaliya ayaa shalay oo Jimco ah bixisay jawaabteeda kama dambeysta ah. Waxaa hadlay saddex qareen oo hadalladoodu ay is kaabayeen iyo Dr. Mona Sharmaan oo soo gunaanadday codsiga Soomaaliya ay u soo jeedineyso Maxkamadda. Qareennada Soomaaliya Waxaa hadalka furay Prof. Pellet asaga oo ka jawaabaya Qareennada Kenya sida ay u fasireen MoU caanka noqotay ee 2009 ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya. Prof. Pellet wuxuu ku tilmaamay in qareennada Kenya ay MoU 2009 ka yeersiinayaan wax aan ku qorneyn. Waana xadgudub ay Maxkamadda ku sameyneyaan, ayuu yiri, in ay isku dayaan in qoraal hor yaalla uga sheegaan wax aan ku qornayn. Waxaa xigay Paul Reichler oo qareennada Kenya hadalkooda marka la qoray sadarrada inta u dhexeysa aad u akhriyay. Wuxuu hadallada Qareennada Kenya ka baadi goobay, ka soo saaray, Maxkamaddana la wadaagay waxyaabo iska hor imaanaya. Dhowr tusaale ayuu soo qaatay. Waxaa kale oo uu soo sheegay hadalladii uu isagu Maxkamadda ka jeediyay wareeggii koowaad in ay Qareennada Kenya hadda aqbaleen ama [...]
↧