Mogadishu, 24 September 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Dowladda Federaalka oo xoojineysa Amniga Doorashooyinka, Maxkamada Ciidamada oo xukuntay maleeshiyaad sheegtay Daacish, Ciidanka Dowladda oo Maleeshiyada Al-Shabaab ka saaray Ceelwaaq, Horjoogihii Maleeshiyada Al-Shabaab ee Aw-Dheegle oo la dilay, Madaxweynaha oo sagootiyey Guddiga Korjoogtada Dacwada Maxkamada Caalamiga ah ee Hague, Waaxda Iskaashiga Caalamiga oo la hirgeliyey, 200-Arday oo ka faa’iideysatay aqoon kororsi Cilmi Baarista Dhismayaasha, Dhalinyarada oo Qiimeyn ku sameysay hirgelinta Lixda Tiir ee Dowladda iyo Wasiirka Amniga oo Tababar u soo xiray ciidanka Booliska. Dowladda Federaalka oo xoojineysa Amniga Doorashooyinka 19kii September 2016 waxaa Muqdisho lagu qabtay kulan looga hadlay amniga doorashooyinka dalka, waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa Guddiga Amniga Doorashooyinka Qaran, Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo qaar ka mid ah madaxda laamaha amniga dowladda Soomaaliya. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo kala duwan oo la xiriira amniga doorashooyinka iyo sidii loo heli laa istaraatiijiyad guud oo lagu hago amniga doorashooyinka oo lagu wado in uu ka dhaco gobollo kala duwan. Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Avv. Cumar Dhagey ayaa sheegay in loo [...]
↧