Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay jidka Maka Al-mukarama

$
0
0

WhatsAppShare

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacya wadada Maka Al-Mukaraka, kaasi oo loo maleynayo in uu yahay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhiga jidka hareerahiisa.

Qarax ayaa ka dhacay aga gaarka Shineemo Soomaali ee degmada Waaberi,waxaana loo maleynayaa in uu ahaa gaari jidka la soo dhigay oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in qaraxa ka hor jidka ay ka dhaceen rasaas aan la ogeyn cidda lagu bartilmaameedsanayay, hayeeshee markii ay ciidanka booliska ee saldhiga degmada Waaberi u soo gurmadeen goobta ay rasaasta ka dhcay uu qaraxa ka dhacay jidka, kaasi oo la tilmaamay in uu ahaa mid horey goobta u yiilay, isla markaana sababay dhimasho iyo dhaawac.

Saraakisha ciidanka amniga oo goobta soo gaaray ayaa wada baaritaanno ku aadan sidii ay ku ogaan lahayeen qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay goobta uu qaraxu ka dhacay.

Wixii ku soo kordha waan idin so gudbin doonaa Insha Allah 

 

 

WhatsAppShare


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles