Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku baaqay in la dhowro nidaamka doorashada 2016 ee la filayo in dhowaan ay dalka ka dhacdo, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda musharixiinta iyo hawlwadeenada doorashada. “Waxaa lagu jiraa marxalad taariikhi ah oo lagu go’aaminayo aayaha siyaasadeed ee waddankeena muddo 47 sanno kadib. Si fursaddani ay u noqoto mid waxtar u leh dalka iyo dadka waxaa lagama maarmaan ah in la dhowro habraaca doorashada ee ay horkacayaan guddiyada doorashada ee heer federal iyo heer dowlad goboleed’’, ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay inay Dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo guddiyada doorashooyinka dadban ee heer federal iyo heer dowlad goboleed ay ka go’an tahay in la ilaaliyo jadwalka doorashooyinka sidii horey loogu heshiiyay. Bishan September 25 keeda ayaa waxaa la filayaa inay bilowdaan doorashooyinka labada aqal (Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare), iyadoo bisha October 25-keeda la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka. Doorashada Madaxweynaha ayaa iyana dhici doonta bisha October 30-keeda. Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in loo baahan yahay in la ilaaliyo lana xurmeeyo xuquuqda musharixiinta, odayaasha dhaqanka, nabaddoonada, ergada wax dooraneysa iyo hawl-wadeenada doorashada. “Dhowrista habraaca doorashada waxaa sal u noqonaya in la xurmeeyo hannaan kasta oo sax [...]
↧