Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gaaray magaalada Hague ee dalka Holland

$
0
0
Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa soo gaaray dalka Holland, halkaas oo lagu wado in maalinta berri ay ka furanto dacwadda la xiriirta  xadgudubka Kenya ee badda Soomaaliya. Xeer Ilaaliyaha oo Warbaahinta Qaranka kula hadlayey garoonka Schipol Airport, wuxuu sheegay in kulanka lagu wado in maalinta berri ah [19/09/2016] ka dhici doono Maxkamadda Caalamiga ah ee [Hague] uu ku saabsan yahay dhageysiga is-hortaaga Kenya ee ku aadan  sii socoshada dacwadda, wuxuuna intaasi raaciyey in kulanka berri bilowda uu socon doono muddo saddex cisho ah, lana soo gabagabeyn doono maalinta Khamiista ah. “Dulucda Dacwadda weli lama gaarin, kulanka berri Maxkamaddu waxeey ku dhageysaneysaa dooda Kenya ay ku hor istaageyso in Dacwadu sii socoto & dowladda Soomaaliya oo sheegtay  in aysan dooneyn in ay wax wadahadalo ah kala gasho Kenya arrintaas” Ayuu yiri Dr. Axmed Cali Daahir, wuxuuna intaasi raaciyey in dowladda Soomaaliya dhinaceeda ay u dhammeystirtay wufuudii ka qeybgaleysa kulamadaasi dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin. “Garyaqaanka Kenya ayaa maalinta berri hadalo ka jeedinaya Maxkamadda, annagu maalinta Talaaddada ah ayaanu ka hadli doonaa, waxaanna 100% rajo wanaagsan ka qabnaa in Soomaaliya ay ku guuleysan doonto dacwadda, waana sidaa sida saxda ah marka laga eego sida sharciga caalamiga ah uu dhigayo” [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles