Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Obaama oo ku baaqay in la soo dhaweeyo Muslimiinta

$
0
0
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa mar kale dib u soo cusbooneysiyay baaqiisii ahaa in muwaadiniinta Mareykanka ay soo dhaweeyaan si wanagsana ula macaamilan Jaaliyadda Muslimiinta ah ee la nool,ayna u muujiyaan dabacsanan iyo qalbi furnaan. Sida ay faafisay Jariidada Washinton Post wuxuu Madaxweynuhu u ballan qaaday Muslimiinta ku nool Mareykanka iyo dadka kale  ee shesheeyaha ah inan si gooni ah loo  faquuqi doonin. Bayaan ka soo baxay Aqlka cad ee Mareykanka  ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Mareykanka iyo  Afadiisa ay ugu hambaleyeeyeen Muslimiinta munaasabadii Ciida Al-adxa, wuxaana bayaankaa lagu cadeeyay inay jiraan Malaayhiin Muslimiin ah oo hoy iyo nololba haysanin oo ku kal firirsan dunida. Bayaankaa ayaa sidoo kale  lagu canbaarayay hadalada qalafsan ee  Musharaxa Xisbiga Jamhuuriya  Donald Trumpu uu  Muslimiinta ku sifeynayo. Bishii Agost ee la soo dhaafay  ayaa waxa u maamulka Obama  shaaciyay inay gaareen heshiis ah in ay qaabilayaan 10 kun Qaxootgi  Suuriyaan ah, waxaana la filyaa inuu Madaxweynuhu ka uu qeyb galo shirka looga hadlayo mushkiladda Qaxootiga Adduunka oo Todobaadka soo socoda ka dhici doono magaalada New York. -Mukhtaar-

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles