Waxaa 13-kii bishan maalin salaado ah, magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ay marti-gelisay Shir Madaxeedkii Urur gobaleedka IGAD oo isagu markii ugu horeysay lagu qabto gudaha Soomaaliya tan intii la dhisay 1986. Mudda hadda laga jooga 42-sanno kuna beegan sannadkii 1974-tii ayaa lagu qabtay Muqdisho shir madaxeedkii Ururka Midowga Africa oo markaa magaciisu ahaa(OAU, Organization of African Unity). Qora: Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra” Ka dib bur-burkii dawladdii dhexe ee dalka 1991-kii, Waxaa uga horeeyey oo ay magaalada Caasimada ee Muqdisho marti-gelisay waa shirkii Wasiirada arrimaha dibbadda Urur goboleedka IGAD oo 10-ka bishii January, 2016 ee sannadkan lagu qabtay Hotel SYL. Shirkaas golaha wasiirada arrimaha dibbadda waxa uu gogal xaar u ahaa oo laguna balamay in shir madaxeedka IGAD lagu qabta Muqdisho horaanta bishan 7 illaa 10-ka September, balse maalmo dib u dhac ah kadib qabsoomay. Diyaar garowga marti-gelinta Shirka iyo Xaqiijinta Amniga Si magaalada ay u marti-geliso shir heer caalami ah waxa loo baahan yahay nabbad iyo amni, waxaana ay dawlada goosatay in ay xaqiijiso amaanka magaalada Muqdisho guud ahaan iyo gaar ahaan halka lagu qabanyo Shirka, Waxaana 9-kii bishan oo ku beegnayd maalin Jimco ah la xiray waddooyinka Muhiimka ah ee magaalada, waxaana la dhigay Ciidan hubiya, xaqiijiyana [...]
↧