Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Waxqabadka Dawladda ee Todobaadki la soo dhaafay+Sawirro

$
0
0
Mogadishu, 17 September 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Madaxweynaha oo Shirka Maamul u sameynta Sh/Dhexe & Hiiraan furay, Madasha Hoggaanka Qaran oo Warmurtiyeed soo saaray, Mashruuca Xasilinta Dalka oo lagu daahfuray Muqdisho, Horjooge Al-Shabaab oo lagu dilay deegaanka Ceelgaras, Shir Madaxeedka IGAD oo Muqdisho lagu qabtay, Istraatejiyada Qaranka ee Ka hortaga iyo La dagaalanka Fikirka Xagjirka oo Muqdisho lagu daahfuray, 43 Saraakiil Boolis ah oo tababar loogu soo xiray dalka Uganda, Maxaabiista Xabsiga Dhexe oo goobo waxbarasho laga hirgeliyey iyo Madaxweynaha oo Waraaqihii Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Jabuuti. Madaxweynaha oo Shirka Maamul u sameynta Sh/Dhexe & Hiiraan furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa 15kii September 2016 magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa uu si rasmi ah mar kale ugu furey shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya iyo inta badan odayaasha labada gobol ee maamulka loo sameynaayo. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada ee Xukuumadda Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha dhexe, qaar kamid ah odayaasha dhaqanka [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles