Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Guddiga doorashooyinka oo Nairobi kulan ku qabtay-Sawirro

$
0
0
  Kulanka oo ahaa is xog wareysi iyo su’aalo weydiin ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, siyaasiyiin, waxgarad, haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Danjire ku xigeenka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, ahna qunsulka koowaad ee safaaradda mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo kulanka furay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin kulanka, isla markaana ka safaarada ahaan ay soo dhoweyneynayaan. “Ka safaarad ahaan waa soo dhoweyneynaa kulankaan, runtii shaqo wanaagsan ayay hayaan guddiga hirgellinta doorashooyinka dadban, halkaan Nairobi waa meelaha ugu badan oo ay dadka Soomaaliyeed ku nool yihiin, loona baahanahay in jaaliyaddu ogaadaan halka ay wax marinayaan guddiga” ayuu yiri mudane Maxamed Amiin. Guddoomiyaha guddiga federaalka hirgellinta doorashooyinka dadban, Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhageey) ayaa ka sheekeeyay qeybaha isla wadi doona doorashooyinka dalka, isagoo hoosta ka xariiqay in shaqada ugu badan ay qaban doonaan guddiga hirgellinta doorashooyinka dadban ee dalka, guddiga xalinta khilaafaadka, goob joogayaal caalami ah, kuwo maxali ah iyo bahda warbaahinta. Wuxuu intaa raaciyay in ay jiri doonto geedi socod ka billaabanaya xullista ergooyinka ilaa laga gaaro doorashada madaxda qaranka ee dalka. “Doorashada dalka waxaa loo marayaa nidaam caalami ah, waxaa doorka ugu muhiimsan qaadan doona guddiga hirgellinta [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles