Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasaaradda Qorsheynta oo daah furtay Mashruuca Xasilinta Dalka+Sawirro

$
0
0
Kulan maanta magaaladda muqdisho ay ku yeesheen mas’uuliyiin ka kala  socotay Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya iyo Safaaradda Dowladda Norwey ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu daah-furay Mashruuca Xasilinta Dalka oo ka mid ah mashaariicda wasaaradda qorsheynta Soomaaliya ay ugu tala gashay horumarinta dalka. Danjire ku xigeenka safaaradda Dowladda Norwey ee Soomaaliya Vebjorn Heines ayaa sheegay in waxa ugu muhiimsan ee mashruucan loo fulinayo uu yahay in shaqa abuur loo sameeyo dhalinyada Soomaaliyeed maadaaama ay yihiin  qeybta  ugu badan Bulshada. ‘’Ujeedka Mashruucan aan ka leenahay waxa uu yahay inaan ka qeyb qaadano Dib u heshiisinta ,nabada ,Xasiloonida iyo horumarka Dalka Soomaaliya, sidoo kale waxa aan rabnaa  in uu abuuro shaqooyin badan oo ay helaan dhalinyarada” ayuu yiri Vebjorn Heines Wuxuu intaasi raaciyay “Soomaaliya waa dal dadkiisu ay dhalinyaro u badanyihiin waxay u baahanyihiin shaqooyin ,waxaan sido kale aan jecelnahay in qeyb ka ahaano horumar iyo xasilooni waarta oo ay Soomaaliya gaarto, Soomaaliya waa dal leh qorax iyo dabeyl sidaas daraadeed awooda qoraxda iyo awooda dabeylaha waa u muhiim mustaqbalka ugu dambeyn Soomaaliya waa dal ay ku noolyihiin bulsho wanagsan oo jecel horumarka iyo ganacsiga’’. Wasiirka wasdaarada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Cali  Ceynte ayaa sheegay in [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles