Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha oo ka dalbaday shacabka Muqdisho iney dulqaataan inta uu socda shirka IGAD+Sawirro

$
0
0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay dulqaad muujiyaan inta uu socdo shirka madaxweyneyaasha IGAD kaddib markii si weyn loo adkeeyey ammaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Shirka madaxweyneyaasha IGAD ayaa ka dhacaya magaalada Muqdisho  markii ugu horreysay bur-burkii Soomaaliya kaddib, dowladda Soomaaliya diyaar-garow badanna waa ay sameysay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in ammaanka caasimadda si weyn loo adkeeyey oo ay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM xaddideen dhammaan dhaq-dhaqaaqa caasimadda, madaxweynuhu waxa uu xusay in shacabka Soomaaliyeed ay  muujiyaan dabacsanaan iyo dulqaad maadaama shirka uu ku soo aaday xiliga maalmaha ciidda. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in wixii hadda  ka dambeeyey in caasimadda lagu qaban doono shirar kale waa caalami ah, horumarka Soomaaliyana ay astaan u tahay in shirka IGAD oo heer sare  ah in uu ka dhaco. Madaxweynaha J.F Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu aad ugu cel-celiyey in shacabka Soomaaliyeed ay doorkooda qaaataan oo ay gacan siiyaan ciidanka amniga, doorashooyinka ayuu sidoo kale sheegay in loo istaago sidii looga qeyb-qaadan lahaa.  

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles