Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Xildhibaan Faadumo Axmed oo ku geeriyootay dalka India

$
0
0
Allaha u naxariistee Xildhibaan Faadumo Axmed Nuur oo ka tirsaneyd baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku geeriyootay dalka India, halkaasi oo ay ku xanuunsaneyd muddooyinkan dambe. Guddoomiye ku-xigeenka haweenka ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Qaali Axmed Diiriye oo la hadashay Radio Muqdisho ayaa sheegtay in Marxuum Faadumo ay ka mid ahayd Xildhibaannada haweenka ee ugu fir fircoonaa xagga howlaha baarlamaanka, iyadoo intaa ku dartay inay u geeriyootay xanuun hayay mudooyinka dambe. Xildhibaan Qaali Axmed ayaa tacsi u dirtay dhamaan Xildhibaanada baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo si gaar ah tacsi u dirtay ehelada iyo qaraabada ay marxuum Xildhibaan Faadumo ka geeriyootay inay uu samir iyo Imaan ka siiyo.  

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles