Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ciidamada XDS oo Al-shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan Jubbada hoose

$
0
0
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa dowladda goboleedka Jubbaland iyo AMISOM ayaa la wareegay deegaanka Cabdalla Biroole oo 50-KM dhinaca koofur galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo. Xooggaga wada jira ayaa shalayto guluf xooggan kula wareegay Tuuladaasi Bir Cabdalla iyo nawaaxigeed oo ay horay ugu sugnaayeen malleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab. Ma jiraan wax khasaare ah oo soo gaaray dhanka Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrikaba ee duullaankaas. Ciidamada ayaa la sheegayaa iney maanta ku wajahan yihiin degaanka Beer Xaano oo iyana ka mid ah goobaha fara ku tiriska ah ee ay maleeshiyada Al-shabaab kaga sugan tahay Jubbooyinka. Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ayaa horay ugu dhawaajiyay iney sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo afjari doonaan Kooxda Al-shabaab, si ay meesha ugu baxaan weerarrada naf la caari nimo ee ay Ummadda ku halligayaan.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles