Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Arday dhameysatay barashada Qur’aanka kariimka ah oo la abaalmariyay-Sawirro

Munaasabad loo qabtay arday ka qalin jabisay dusgiga xifdinta Qur’aanka kariimka ah ee Anas Bin Maalik oo ku yaala degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ka soo qeybgalay waalidiin, macalimiin iyo marti sharaf kale. Ardaydan oo isugu jira wiilal iyo hablo ayaa qaarkooda waxaa xafladda lagu guddoonsiiyya abaalmarino lagu dhiirigelinayay ardaydaas. Maamulka dugsiga xifdinta Qur’aanka kariimka ah ee Anas Bin Maalik Macalim Ibraahim Sheekh Yusuuf ayaa sheegay in mudadii uu jirey dugsigan ay ka aflaxeen ardayda badan isla markaana ay u taagan yihiin fidinta diinta Islaamka iyo barashada Qur’aanka kariimka ah. Maxamad  Cabdulaahi Cilmi waxaa uu kamid yahay ardayda dusgiga isla markaana ardaydii lagu bilaabay dusgiga ayaa kamid ahaa ardaydii abaalmarinta la gudoonsiiyay.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles