Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Dowladda F. S. oo ka hadashay sababta ay u hakisay ganacsigii qaadka Kenya

Dowladda Federaalka  Soomaaliya ayaa ka hadashay sababta ay u hakisay qaadki ka imaanjiray dalka Kenya iyadoo arrintaasi sabab uga dhigtay booqashii uu guddoomiyaha gobolka Meru Peter Munya uu ku tagay Hargeysa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Jamaal Xasan oo wareysi siiyay Wargeyska Daily Naition ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in booqashadii Mr Munya ee Hargeysa uu ku tagay bishii July ay sababtay  in dowladda Soomaaliya ay hakiso ganacsigii qaadka ee ka imaanjiray dalka Kenya. “Waxa jira in ay faragelin ku sameeyeen jiritaanka  soohdimaha dalka ganacsiga Miraa waxey fara gelin ku sameeyaan arrimaha gudaha ee dalka,” ayuu u sheegay Danjire Jamal wargeyska Daily Nation. “Tani waxa ay abuurtay in dowladdu ay hakiso qaadki ka imaan jiray Kenya iyadoo cadaadis iyo ganaax uga dhigaysa ganacsatada qaadka Meru” ayuu yiri. Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Axaddi in ay joojisay qaadkii ka imaanjiray dalka Kenya. Bishi July ayuu Mr Munya waxa uu u safray magaalada Hargeysa,  si uu u qalqaaliyo xeerarka ganacsiga ee ku wajahan dhoofinta qaadka iyadoo dalka Kenya ay bixineyso beddelkeeda nooc ka mid ah aqoonsiga Somaliland.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles