Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Golaha naafada Soomaaliyeed oo ka hadlay xuquuqdooda-Sawirro

  Golaha naafada Soomaaliyeed ee (NDC) ayaa sheegay inay ka maqan tahay xuquuqo badan oo ay ka mid yihiin kuwo asaasi ah iyo mid siyaasadeed. Golaha oo war Saxaafadeed ka soo saaray kulan ay ku yeesheen xafiiskooda Muqdisho, ayaa faahfaahiyay dhibaatooyinkii ay ku qabaan la dhaqanka bulshada,taasoo ay sheegeen inay ugu biireen xaqiraadda dhanka siyaasadda,maaddaama ay soo dhaw yihiin soo xulista Baarlamanka iyo  doorashooyinka madaxtinimo ee dalka. Golaha oo ka duulaya u nuglaashaha colaadaha iyo baraca ay sababaan, ka maqnaashaha adeegyada asaasiga ah iyo caqabadaha ka haysta waxbarshada, caafimaadka iyo nolol maalmeedka kale ayaa codsaday inay helaan metelaad siyaasadeed oo caddaalad ku salaysan,lagana dhowray gacan bidxayn. Naafada Soomaaliyeed ayaa golayaasha kala duwan ee dowladda federaalka,beesha caalamka iyo Ururrada ay quseysaba ka codsaday inay helaan metelaad siyaasadeed oo ku jaango’an tirada guud ee dadka,in la ilaaliyo xuquuqdooda asaasiga ah iyo in la meel mariyo,dastuurka dalkana lagu daro sharciga ilaalinta xuquuqda naafada.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles