Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Daawo Sawirrada: Munaasabad lagu xusayay sanad guuradi maamulka Galmudug oo lagu qabtay Minnesota

$
0
0
Munaasabad lagu taageerayaya waxqabadka maamulka Galmudug islamarkaana lagu maamuusayaya waxyaabihi u qabsoomay mudadii  sanadka ahaa ee uu dhisnaa ayaa lagu qabtay magalaada minaples ee gobolka Minnesota dalka Mareykanka. Xafladdan oo ay soo qaban qabiyeen jaaliyadda Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galay aqoonyahano,iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka  Minnesota waxaana dhamaan ay ku amaaneen maamulka Galmudug dadaallada uu sameyeey mudadi sanadka ahayd ee uu maamulkaasi jiray. Cabdi Xaashi oo ah guddoomiyaha jaaliyadda Galmudug ee gobolka Minnesota ayaa sheegey in ay garabtaagan yihiin ka qeyb qaadashada horumarka maamulkaasi islamarkaana ku amaanaya waxqabadkiisa. Sidoo kale waxaa halkaasi hadallo kooban ka jeediyay qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha kulanka oo muujiyay sida ay u taageersanyihiin dardargelinta howlaha horumarineed ee uu wado mamaulka Galmudug. Maamulka Galmudug oo ka mid ah maamul goboleedyada ka hana qaaday dalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeyeey wuxuu waday dadaalo ku adaan sidii loo horumarin lahaa deegaanada Galmudug.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles