Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Dowladda Mareykanka oo Soomaaliya ka taageereyso dhanka tayaynta waxbarashada

$
0
0
Saxiixa hashiiskan  Dowladda Mareekanka ay Soomaaliya uga taageeyrayso tayaynta waxbarashada iyadoo u soo marayso Hay’adda horumarinta caalamiga ah ee USAID  waxa goob joog ka ahaa Wasiirada Waxbarashada, Qorsheynta iyo Maaliyadda Soomaaliya, halka dowladda Mareykankuna ay joogeen Safiirka cusub ee Mareykanka u fadhiya Soomaaliya iyo madax ka socotay  Hay’ada USAID. Safirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz iyo kaaliyaha dhinaca maamulka Afrika ee hay’adda  USAID Linda Etim ayaa si wadajir ah u sheegay in mashruucan muhiimadiisu ay tahay kobcinta waxbarshada jiilka Soomaaliyeed ayna ku baxayso 64 milyan oo dolar, iyadoo wajiga koowaad kan ugu horeeya oo ay ku baxayso 17 milyan oo doolar maanta la saxiixay Wasiirka  waxbararashada iyo tacliinta sare ee Soomaaliya  Mudane C/qaadir Cabdi Xaashi ayaa ka hadlay ahmiyada mashruucan Dowladda Mareykanka ay ku taageerayso waxbarashada Soomaaliya. “Hashiiskan waa uu muhiim waxbarashada Soomaaliya, dadaalo badan ayaana ku bixinay waan u mahad celinayna Hay’ada USAID oo taageerayso, waxaana rajaynayaa inuu wax badan ka badalo ololihiihi aan ugu jirnay Soo celinta tayada waxbarashada Soomaaliya . Wasiirka Maaliyada Soomaaliya  Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti iyo Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah C/raxmaan Sheekh Yuusuf Cali Ceynte ayaa sheegay in hashiiskan uu muhiim yahay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay heleyn waxbarasho lacag la’aan. ”Waan ku faraxsanahay [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles