Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Afrika iyo Japan oo iska kaashanaya la dagaalanka argagaxisada

Hogaamiyeyaasha qaaradda Africa iyo Japan ayaa waxaa ay isla garteen ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah loola dagaalamo kooxaha argagaxisada iyo burcad badeeda si loo helo bay’a nabdoon oo ganacisga lagu horumarin karo. Shirkii dowlada Japan iyo Afrika oo gundhigiisu ahaa iskaashiga dhaqaalaha oo Sabtidii Nairobi ka furmey oo ay ka qeybgaleen madaxweyniyaal iyo mataliyaal ka kala socday 54 wadan ee qaaradda ayaa laga soo saaray baaq wadajir ah kaas oo waxyaabaha ugu humiisan ah aheyd fursadsiinta dhalinyarada iyo haweenka qaaradda si kor loogu qaado doorka ay ka ciyaari karaan kobcinta dhaqaalaha gaar ahaan shirkadaha gaarka loo leeyahay. “Waxaan xalineynaa isla markaana horumarinaynaa xasiloonida iyadoo laga jawaabayo walaaca amniga ee jira. Waxaa sidoo kale xoojinaynaa awoodsiinta shakhsiyaadka  gaar ahaan dhalinyarada iyo haweenka anagoo fursad u siinayna waxbarasho, tababaro xirfadeed, fursado shaqo,” ayaa lagu yiri baaqii Nairobi oo shirka laga soo saaray. Waa kii ugu horeeyay oo qaaradda Afrika lagu qabtay shirka (Tokyo International Conference on African Development) oo loo soo gaabiyo TICAD ahaana kii afaraad tan iyo markii daah laga rogay sanadkii 1993, iyadoo sanadkii 2013 lagu qabtay magaalada Yokohama ee dalka Japan. Shirka TICAD oo ay wada yeesheen madaxda Afrika iyo Japan ayaa waxa ay isku raaceen in [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles