Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Golaha Wasiirada Galmudug oo yeeshay kulan aan caadi ahayn

$
0
0
Kulankan aan caadi ahayn ee maanta golaha Wasiirada dawlad goboleedka Galmudug ay Cadaado ku yeesheen ayaa waxa ay kaga hadleen arrimaha maaliyadda deegaanka, diyaarinta miisaaniyadda sanadka soo socda, canshuuraha iyo arrimo kale oo muhiim ah. Kulankan oo uu shir guddoominayay Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa goluhu, Wasaaradda maaliyadda kaga dhagaystay warbixin ku aadan hawlaha Wasaaradda. Maxamed Axmed Faarax Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa tilmaamay in goluhu ay soo hor dhigeen waxyaabaha u qabsoomay iyo caqabadaha jira. Waxaa kale oo wasiir ku xigeenku sheegay in ay dhawaan bilaabayaan canshuuraha berriga oo muhiim u ah hawlaha dakhliga maamulka.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles