Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Guddiga qabanqaabada aaska qaran ee marxuum S/Guud Samantar oo shir ku yeeshay Muqdisho

$
0
0
Ku-Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kulan la yeeshay Guddiga qabanqaabada aaska qaran ee loo sameynayo Allah ha u naxariistee Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Soomaaliya, S/Guud Maxamed Cali Samantar. Mudane Jawaari ayaa sheegay in hawlaha qabanqaabada aaska qaran ee loo sameynayo General Samantar ay si wanaagsan u socdaan, isla markaana calanka Soomaaliya hoos loo dhigayo muddo saddex cisho ah oo caawa ka bilaabanaysa, iyadoo lagu maamusayo, laguna sharfayo marxuumka. S/Guud Maxamed Cali Samantar oo Madaxweyne Ku-Xigeen, Ra’iisul Wasaare iyo Wasiirka difaaca ka soo noqdey xukuumaddii militariga Soomaaliya ayaa dhowaan ku geeriyooday gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, waxaana la filayaa in dhowaan aas qaran loogu sameeyo dalkiisa hooyo.  

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles