Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Bariga Afrika iyo xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayaa maanta ku kulmay magaallada Nairobi ee dalka Kenya. Shirka ayaa looga hadlay xaaladda gobolka gaar ahaan xaaladda ka taagan Suudanta Koofureed iyo houmarka Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa la wadaagay wasiirrada, horumarka ay dowladda Soomaaliya ka sameeyay arrimaha ammaanka, dowlad-wanaagga, dimoqraadiyadda iyo dhaqaalaha. Dowladda Mareykanka ayaa uu uga mahad celiyay taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya, taakuleynta AMISOM iyo tababarka ciidanka XDS. “Horumar ayaa ay samaynaysaa Soomaaliya oo kaashanaysa saaxibbadeeda caalamka, doorashooyin bulshadu u dhan tahay ayaa ka dhacaya dalkeena sanadkaan. Taageerada Mareykanka ahmiyad ayay u leedahay Soomaaliya” ayuu yiri wasiir Hadliye. Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayaa sheegay in dalalka Bariga Afrika ay u baahan yihiin in ay xal u helaan dhibaatada argagixisadu ay ka waddo gobolka, isaga oo bogaadiyay horumarka Soomaaliya. “Kulamadeenu waxa ay ahaayeen kuwo mira dhal ah oo looga hadlay mustaqbalka Soomaaliya iyo Suudaanta Koofureed. Bariga Afrika, waxa aan wali wajahaynaa dhibaatada xajirnimada rabshada wadata” ayuu yiri Kerry. “Doodeenii maanta waxa aan diiradda ku saarnay saddex hadaf. Tan koowaad waa in la joogteeyo taageerada la siinayo shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda si ay u difaacdo muwaadiniinteda, u xoojiso [...]
↧