Maxkamadda dambiyada dagaalka ee caalamka oo loo soo gaabiyo ICC ayaa maanta qaaday dacwad nooceeda tii ugu horeysay ah, Axmed Al-Faqi Al-Mahdi oo kamid ah hogaamiyeyaasha kooxda Ansaaru diin ee ka dagaalanta galbeedka Afrika gaar ahaan dalka Mali. Axmed ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu hogaaminayay kooxdii ka dambeeysay burburinta loo geystay dhismiyaal taariikhi ah oo ku yaalay magaalada Timbuktu ee woqooyiga dalka Mali sanadkii 2012 markii kooxda Ansaaru diin oo gacan saar la leh ururka Al-Qaacida uu la wareegay halkaas. Axmed oo da’diisu tahay 40 sano jir, ayaa maxkamadda ka hor sheegay in uu ka xunyahay wixii dhacay waxaana uu codsaday in la cafiyo. Waa markii ugu horey oo maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland ay qaado kiis la xiriir burburin dhaqan. Sidoo waa markii ugu horeysay oo maxkamaddu la keeno qof ka tirsan kooxaha argagaxisada. Dacwad oogaha maxkamadda ICC ayaa sheegay in Mr. Mahdi uu kamid ahaa kooxda Ansaaru diin oo muddo bilo ah gacanta ku heysay magaalada Timbuktu. Qoraal ay maxkamadu soo bandhigtay ayaa waxaa lagu sheegay in Mr. Mahdi uu yahay nin kamid ah culimada diinta isla markaana dagaalyahanada kooxdaas uu ku armay in ay burburiyaan goobaha taariikhiga ah. Waxaa lagu eedeeyay dambiyo dagaal [...]
↧