Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiiru Dowlaha Warfaafinta oo la kulmay Wasiirka Warfaafinta ee Suudaan iyo Wasiiro kale ”SAWIRRO”

$
0
0
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Bekos oo ka qayb galaya shir looga hadlayay kaalinta Warfaafinta ku qaadan karto ka hortaga iyo ciribtirka Argagaxisada, oo ayna kasoo qayb galayeen Wasiirada Warfaafinta Dowladaha Carabta ayaa waxa uu kulan la qaatay Wasiirka Warfaafinta Dowladda Suudaan Dr. Axmed Bilaal Cusmaan. Sidoo kale Wasiir Bekos ayaa kulan la qaatay Wasiirada Dalxiiska iyo Dhaqanka e Dowladda Suudaan iyagoo ka wada hadlay xariirka labada dal gaar ahaan sidii iskaashi ay u sameen lahaayeen Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya iyo Wasaaradahaas. Wasiiru Dowlaha oo kulan la qaatay Wasiirka Warfaafinta Suudaan ayaa marka hore ka warbixiyay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya xiligan marayso iyo sida ay Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka u shaqayso xiligan iyo horumarka wayn ee tiigsatay Wasaaradda. Wasiir Bekos ayaa ayaa u sheegay Wasiirka Warfaafinta Suudaan in ay jiraan baahiyo badan oo ay wasaaradda qabto oo ay ka mid tahay tababaro wariyaasha loo sameeyo iyo in xooga la saaro in la helo TV u gaar ah luuqada carabiga oo bilow iyo dhamaad laga soo daayo heeso iyo barnaamijyo carabi ah si ay ula jaan qaadaan walaalahood carbeed. Wasiirka Warfaafinta Suudaan Axmed Bilaal Cusmaan oo isagana ka hadlay ayaa u mahadnaqay marka hore in wasiir ahaan [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles