Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiirka Amniga: Bandhiga Carwada Buugaagta Muqdisho waa astaan Nabbad iyo Xasilooni.

$
0
0
Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa bogaadiyay Bandhigga buugaagta Muqdisho oo sanadkii labaad lagu qabanayo magaalada Muqdisho. Wasiirka oo booqday badhigga maanta (Jimco), ayaa qalinleeyda Soomaaliyeed iyo qabanqaabiyayaasha ku ammaanay dadaalka ay u galeen nooleynta qoraalka iyo aqriska kadib sanada badan oo burbur iyo dagaallo lagu soo jiray. “Qalinleeyda Soomaaliyeed waxa ay qaateen mas’uuliyaddooda,waxa ayna halkaan ku soo bandhigeen buugaag ay waqti iyo maskaxba geliyeen, waana ku ammaaneynaa sida ay uga qeyb qaadanayaan dhismaha wayiga bulshadeenna” ayuu yiri wasiir Cabdirisaaq. “Hay’adaha ammaanka ee suurtagaliyay nabadeyna dalka si ay u qabsoomaan munaasabado nuucaan oo kale ah ayaa iyana mudan in aan ku ammaanno sida ay kaalintooda uga soo baxeen”. Ayuu raaciyay. Wasiirka amniga ayaa noqonaya mas’uulkii dowladeed ee bandhigga ka iibsaday buugaagtii ugu badnaa, iyada oo ay koru dhaaftay buugaagta uu iibsaday soddon buug oo Af-Soomaali ku qoran isa markaana laga qoray dhinacyada kala duwan ee nolosha iyo taariikhda dalka. Wasiirka oo dhex socday madasha bandhigga ayaa SONNA u sheegay: “Waa fursad aan sanadahaan dambena soo marin in hal goob la isugu keeno tiro intaan la eg oo ah maskaxdii qalinleeyda Soomaaliyeed, sidaa darted qof waliba waa inuu qaataa wuxuu aqrin lahaa illaa sanadka [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles