Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Taliyaha ciidanka Asluubta oo isbadal muuqdo ka sameeyay xabsiyada dalka “SAWIRRO”

$
0
0
Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed waxa ay ka mid yihiin Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxaana la Aas-aasay 22kii Febraayo 1970 kii Taliyihii ugu horeeyey ee Ciidankaasina waxa uu ahaa AUN S/gaas Ismaaciil Axmed Ismaaciil waana Ciidan u tababaran Ilaalinta Maxaabiista iyo in ay baraan Anshaxa dadka xabsiga lagu soo xiro. Burburkii Dowladii dhexe ee Dalka kaddib waxa ay soo mareen Ciidanka Asluubta marxalado kala duwan iyo xilliyo Adag, iyadoo shaqooyinkii ay u  hayeen Qaranka habacsanaan uu ku yimid sababo la xiriiri Daruufo soo wajahay dalka. Taliyayaal badan ayaa soo maray ciidanka Asluubta sanadihii lagu jiray Bur burka  dadaalkoodana, ma yareen balse caqabado  dalkoo dhan ka jiray ayaa u saamixi weysay in Ciidankaasi cududiisa ay dib u soo celiyaan  . Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa hadda dib usoo celinaya in ay buuxiyaan Kaalintii ay kaga jireen  Ciidamada qalabka sida, waxaana  iminka ay ku talaabsanayaan Horumaro kala duwan,  iyadoo ay dib usoo laabaneyso Faa’iidooyinkii kala duwanaa ee Ummadda Soomnaaliyeed u qaban jireen . Maalin Khamiis 30 April 2015 ayey aheyd markii golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Soomaaliya  ay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed u magaacabeen S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe ), ayna ku soo baxday faafinta rasmiga ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana markii uu [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles