Mogadishu, 13 August 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Golaha wasiirada oo ansixiyey Siyaasada Dowladda ee isa-soo dhiibayaasha ka soo laabta Fikirka Xag-jirnimada, 250 Ciidanka Booliiska ah oo tababar loogu soo xiray Baydhabo, Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Dowlad Goboleed (GHDDDG) oo la magacaabay, Madasha Hoggaanka Qaran oo ansixiyey wakhtiyeynta doorashada 2016, Danjiraha Mareykanka oo Waraaqihiisa Aqoonsi laga guddoomay, Dowladda Jarmalka oo taageereysa ciidamada Xooga Dalka, Dhismo Iskuul oo la dhagax-dhigay deegaanka Kongo ee gobolka SH/Dhexe, Shirka Golaha Wadatashiga Dowladaha Hoose oo Baydhabo lagu soo gabogabeeyey, Dhismaha Dugsiga Sare ee degmada Caabudwaaq oo xariga laga jaray, Xafiiska SONNA oo laga furay gobolka Hiiraan iyo Dugsiga Sare ee Ceeldibir oo la dhagax-dhigay. Golaha wasiirada oo ansixiyey Siyaasada Dowladda ee isa-soo dhiibayaasha ka soo laabta Fikirka Xag-jirnimada Golaha Wasiirada ayaa shirkoodii caadiga ahaa ee 11ka August 2016 ayaa ansixiyey Siyaasada dowladda ee isa soo dhiibayaasha kasoo laabta fikradda xag-jirnimada. Wasaarada Amniga Gudaha ayaa laga dhageystay warbixin una soo jeediyey golaha in la ansixiyo siyaasadda dawladda ee isa soo dhiibayaasha kasoo laabta fikradda xag-jirnimada oo muddo 3 [...]
↧