Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo weli ku guda jira booqasho uu ku joogo magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia, ayaa xarunta madaxtooyada ee maamulkaasi kula hadley odayaasha dhaqanka, hawlwadeenada iyo shaqaalaha rayidka ee degaanka. Madaxweynaha oo uu wehliyay Madaxweynaha Dowlada Degaanka Soomaalida Ethiopia, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ka muuqda degaanka, isagoo intaa ku darey inuu aaminsan yahoo in guulaha la gaarey ay sabab u tahay wadashaqeynta iyo isku duubnida shacabka iyo Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia. Waxaa uu Madaxweynaha xusay in horumarka gobolka Geeska Afrika uu ku xiran yahay hadba sida looga shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida, haddii labadaas la helana ay jiri karto rajo horumar dhan kasta ah lagu gaari karo. “Soomaaliya waxay horumar la taaban karo ka sameysay dhinaca amniga. Waxaa dalka lagu qabanayaa doorashooyin. Ciidammada Midowga Afrika oo Ethiopia ay ka mid tahay ayaana gacan weyn naga siiyay inaan xasiloonida dalka ka shaqeyno. Waxaa labada dal ka go’an inay burburiyaan shabakadaha argagixisada ee nolosha u diiddan dadyowgeena. Waxaan shacabka ka dooneynaa inay nagu taageeraan halganka aan ugu jirno inaan gobolkan uga dhigno mid la tartama caalamka intiisa kale’’, ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa [...]
↧