Gudoomiyaha Gobolka Shabeellada dhexe Cali Cabdulaahi Guudlaawe iyo jy xigenadiisa ayaa xariga ka jaray mashaariic laga hirgaliyay dedgmada Warshiikh , kuwaasi oo kala ah Xarun Caafimaad ceel Biyood kawaan malaay, iyaga oo sidoo kale kormeeray Tuulooyin dhowr ah oo laga fuliyay Mashaariicdan Gudoomiyaha dagmada Warshiiq Axmed Xuseen Shiidka ayaa sheegay in Mashaaricdan ay muhiim u ahaayeen noloshada dadka deegaanka isagoo u mahad celiyay hay’adaha DRC oo ka qeyb qaatay hirgalinta mashaaricdan iyo hay`adaha kale. Gudoomiyaha Gobolka Sh/dhexe ayaa Bogaadiyay Mashaariicdan waxa uu sheegay in mashaariicdani ay muhiim u ahaayeen nolosha dadka dadka dagmada Warshiiq ‘ waxaan ku faraxsanahay mashaariicdani oo kala ah ceel biyood, xarunta hooyada iyo dhalaanka MCH kawaan malaay , waxaan leenahay dhamaan hay’adadii iyo bulshada deegaanka ee ka qeyb qaadatay wad mahadsatihiin waxaana ay ku timid amaanka ka jira deegaanada Gobolkan, mashruucyada waxa ka mid ah 14 ceelbiyood, xarun caafimaad, iyo xarumo waxbarasho Gudoomiyaha ayaa sido kale tilmaamay in maamulka gobolka ay diyaar u yihiin soo dhaweynta cidwalba oo ka shaqeynaysa hormarinta adeegyada Bulshada isagoo qeaxay qorshaha maamulka ee dhinaca adeega Bulkshada. Mashaariicda laga fuliyay waxa ka mid aheed xarun caafimaad oo laga hir galiyay deegaanka qeyla weyne oo hoostaga warshiiq oo hooyada iyo dhalaanka loogu talagalay [...]
↧