Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Sacuudiga oo soo iibsanaya Hub qiimahiisu dhan yahay $ 1.15 bilyan

$
0
0
Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa ogolaatay in Boqortooyada Sacuudiga laga iibiyo hub casri ah oo qiimihiisu dhan yahay $ 1.15 bilyan   oo isugu jira 130 Dabaabadood, 20 Gawaarida Gaashaaman ee wax burbiriya iyo hub kale. Mareykanka, ayaa talaabadan qaaday, xilli Sacuudiga  uu dagaal kula jiro Xuutiyiinta Yeman, iyadoo haatan Duqeynta Cirka ah  ay xulufada  Sacuudiga ku wadaan Tageeerayaasha kooxda Xuutiyiinta ee Yeman, taasina ay dhalisay canbaareyn xooggan oo uga timid hay’adaha u dooda xuquul aadanaha, waxaana dagaalkaasi ku dhintay dad badan oo rayid ah. Hubka casriga ah ee uu Mareykanku ka iibinayo Sacuudiga, ayaa la doonayaa in muddo 30 maalmood gudahooda ah ay ku ansixiyaan Gongareeska Mareykanka. Xulufada Sacuudiga, ayaa dalka Yeman ka bilaabay dagaalka lagula jiro Xuutiyiinta  bishii March ee sanadkii 2015kii, ka gadaal markii Xuutiyiintu ay ku guulaysteen inay xukunka ka eryaan Xukuumadda Cabdul Rabbi Haddi Mansuur.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles