Wafdigan oo ka socday Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu horkacayo Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble Cali, iyadoo ay la socdeen Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo Xildhibaan Prof. Cabdiraxmaan Aadan Ibraahin Ibbi ayaa kulan ay la yeesheen Wasiiru Dowlaha Dowlada Suudaan Mudane Kamaalu Diin Ismaaciil Saciid waxa ay kala hadleen xariirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Suudaan. Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Lataliyaha koowaad ee Safaaradda Ibraahin Guure Maxamed iyo Uqaybsaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan Fiidow Maxamuud Fiidow ayaa waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xariirka labada dal ee ku salaysan sidii laysaga kaashan lahaa in lays garab istaago layskuna taageero kulamada heerka caalami ah ee labada dowladood xubno ka yihiin. Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble ayaa ka warbixiyay xaalka wadanka uu xiligan marayo iyo in doorashooyin xiligan nagu soo fool leeyihiin, isagoo intaas ku daray Xildhibaanka in Soomaaliya xariir wanaagsan la leedahay Dowladda aan walaalaha nahay ee Suudaan. Xildhibaan Cosoble ayaa sheegay in wadanka xilligan uu marayo bilowga horumarka, lagana soo gudbay burburkii iyo fowdadii horay loo soo maray. Xildhibaan Dalxa oo isna ka hadlay kulanka Wasiiru Dowlaha lala qaatay ayaa sheegay [...]
↧