Munaasabadda dhagax dhiga xarunta dugsiga sare ee lagu wado inuu yeesho deegaanka Ceeldibir ee bariga Gobalka Mudug ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socatay Wasaaradda Waxbarashada iyo kuwa maamulka Gobalka Mudug ee Dowlad gobaleedka Galmdug xubo ka socday. Guddoomiyaha Deegaanka Ceeldibir C/raxmaan Sheekh Xasan oo ugu horeeyn ka hadlay munaasabada dhagax dhiga ayaa sheegay in baahi dhanka waxbarashada dugsiga sare ah ay ka jirto deegaankaasi, isla markaana ka maamul ahaan ay ku wareejiyeen Wasaaradda Waxbarashada Galmdug dhulkii ay ugu tala galeen in laga dhiso xarunta Dugsiga sare ee Ceeldibir “Dhagax dhigii dugsiga sare ee Ceeldibir ayaa halkaan nooga dhacay dhul cabirkiisu yahay 100X60 ayaana ku wareejinay Wasaaradda waxbarashada Galmudug iyo Maamulka Gobalka si looga dhiso dugsiga sare ee Ceeldibir” ayuu yiri guddoomiyaha Dagmada Ceeldibir ee Gobalka Mudug C/raxmaan Sheekh Xasan. Sidoo kale munaasabadda dhagax dhiga ayaa waxaa ka hadlay guddoomiye ku-xigeenka arrimaha maamulka iyo maaliyadda Gobalka Mudug Axmed Maxamed Shire (Qoodaar) waxaana uu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin horumarka dhanka waxbarashada ee ka muuqda deegaanka Ceeldibir, isagoo xusay in ka maamul ahaan ay doorkooda ka qaadan doonaan dhismaha dugsiga sare ee maanta la dhagax dhigay Ugu danbeeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Galmdug Axmed Nuur Cismaan Cali [...]
↧