Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Arday Soomaaliyeed oo shahaadooyin lagu gudoonsiiyay Johannseburg “SAWIRRO”

$
0
0

WhatsAppShare

Xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay Ardayda Soomaalida wax ka barata Dugsiyada Hoose dhexe magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika ayaa lagu qabtay xaafadda Mayfair ay Soomaalida u badantahay, waxaana kasoo qeybgalay Xafladaasi, Waalidiin,g anacsto, Culimo, qaar ka mid ah Ardayda Jaamacadaha iyo Mas’uuliin ka socday Safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaasi.

Qaar ka mid ah dadkii kasoo qeybgalay oo u badnaa waalidiin ayaa waano iyo dardaaran siiyay Ardayda dhawaan qalinjibisay, iyagoo ku dhiiragaliyay inay waxbarashadoodi sii wataan kuna dabaqaan tarbiyada iyo Diinta Islaamka.

Ardaydii Shahaadooyiinka la gudoonsiiynayay oo qaarkood ka hadlay madasha ayaa sheegay inay farxad u tahay in Shahaadooyin la gudoonsiiyay.

U qeybsanaha Hidaha iyo Tacliinta  sare ee Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika   Cabdi Xalane Xirsi oo isna ka mid ahaa marti sharaftii lagu casuumay ayaa dhankiisa sheegay in Dhalinyarada waxbaranaya ay yihiin ubixii mustaqbalka, ayna bartaan maadooyiin muhiim ah, waxa kale uu ballanqaaday in sanadaha soo socda luuqadda Soomaaliga noqon doonto luuqadda labaad ee Ardayda Soomaalida maadooyiinka ku qaadan doonaan.

“Aad ayaad u mahadsantihiin insha Allahu tacaala sanadka dambe ama sanadka ka dambeeyo luuqadda labaad oo loogu bixin doonaa Wadankaan oo aad ku bixi doontaan luuqadda Soomaaliga ayay noqon doontaa”ayuu yiri Uqeybsanaha Hiddaha iyo Tacliinta Safaaradda.

Gabagabadii waxaa Ardayda la gudoonsiiyay Shahaadooyin, iyadoo wajiyadooda ka muuqatay farxad.

IMG_0350 IMG_0371 IMG_0377 IMG_0381 IMG_0398 IMG_0399 IMG_0404 IMG_0418 IMG_0427

Cabdiqaadir Axad, Warbaahinta Qaranka Johannseburg.

WhatsAppShare


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles