Wafdi ka socday Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo dhorkii malamood ee la soo dhaafay ku suganaa Dalka Suudaan ayaa la kulmay Maamulka iyo Ardayda Jaamacadda Calamiga ee Africa magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan. Wafdigan oo uu horkacayo Gudoomiyaha Gudiga Arrimaha Dibadda iyo Xariirka Caalamiga ah ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdiqadir Cosoble ayna xubno ka yihiin gudoomiye ku xigeenka Gudiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Profossor Maxamed Cumar Dalxa iyo Gudoomiyaha Guddi hoosaadka xariirka Yurub u qaabilsn gudiga Arrimaha dibadda Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Cabdiraxman Aadan Ibbi ayaa kulanka ay la yeesheen Maamulaha Jaamacadda kala hadlay sida ay Jaamacadda Afrika ay muhiim ugu tahay dadka Soomaaliyeed. Madaxa Wafdiga Cosoble ayaa u sheegay maamulka in ay jiraan arday fara badan ah oo ka qalin jabiyay Jaamacadda Afrika oo xiligan ka mida ah kuwa dhalinyarada soomaaliyeed ee dalka ka shaqeysta, oo ay ka mid yahiin kuwa xilala sarsare ka haya Dalka. Gudoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika Prof: Kamaal Cubayd oo dhawaan tagay magaalada Muqdisho halkaasna shir kaga soo qayb galay ayaa sheegay in Soomaaliya uu kusoo arkay horumar wayn oo aysan ahayn Soomaaliya sida warbahinta wax ugu soo gudbiso. Gudoomiyaha ayaa ku daray in la waydiiyay nabadda Soomaaliya uuna u sheego dadka xiligan [...]
↧