Qunsulka saafaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) ayaa maanta deeq dhar ah gaarsiiyay Maxabiis Soomaaliyeed oo dhamaystay xukunno 7 sano oo xabsi ah. Maxaabiistan oo tiradoodu ay gaarayso 7 dhalinyaro Soomaali ah ayaa ku jira xabsiga Kimiti ee magaalada Nairobi, waxaana lagu soo eedeeyay falal burcad-badeednimo ah. Qaar kamid ah maxaabiista oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa ka mahadceliyay deeqda dharka ah ee uu soo gaarsiiyay qunuslka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi), waxaana ay sheegeen in ay ku faraxsanyihiin in mar kale xurriyadooda ay dib u heleen 8-da bishan August. “Waan ku faraxsanahay deeqda dharka ah oo uu na soo gaarsiiyay qunsulkeena Cali Sheekh, sidoo kale farxad ayay noo tahay in aan mar kale wadankeena ku noqono Isniinta soo socota” ayuu yiri mid kamid ah eedeysanayaasha “Haa waa faraxsannahay maanta, maxaa yeelay qunsulkeena ayaa nala jooga, intii aan xabsiyada wadankaan ku jirnay dhibaatooyin kala duwan ayaan la kullanay, safaaradda waxaan ka codsaneynaa in ay si aad ah nooga caawiso bixitaankeena iyo wixii aan gacan qabsi ka dhigan laheydn markaan Muqdisho tagno” ayuu isna yiri qof kale oo kamid ah maxaabiista xukunnada dhamaystay. Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, Cali Maxamed Sheekh [...]
↧