Ciidamada gaar ah oo ka tirsan ciidanka dalka Turkiga ayaa maanta xiray 11 askari oo lagu eedeeyay inay weerareen hotel uu ku sugnaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan markii uu dhacayay afgambigii dhcisoobay. Askartaasi ayaa lagu xiray goob ku dhow Magaalada xeebta ee Marmaris, waxayna arrintaasi daba socotaa xarigyo lagula dhaqaaqay askar lagu eedeeyey inay weerareen Erdogan. Erdogan ayaa waxa uu fasax ku joogay Magaalada Marmaris 15-kii July markii isku dayga afgambi uu dhacay, waxaana la sheegay inuu hotel-ka ka maqnaa ka hor inta aysan askarta weerarin. Xariga maanta ah ayaa noqonaya kii ugu dambeeyey olole ka dhan ah dadka lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen weerarka.
↧