Howlgalkan ay ka sameeyeen ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo kaashanaya maamulka degmada Xamar Jajab ayaa waxa ay ku soo qab qabteen in ka badan 30 qof oo isugu jira rag iyo haween kuwaasi isticmaalayay maandooriyaha sida xashiishka, khamriga iyo qalabkii lagu karinayay maandooriyaasha. Intaas kadib dadka lagu soo eedeeyay inay lagu soo qabtay waxyaabaha maanka dooriya ayaa la hogeeyay maxkamada gobolka banaadir oo u fadhiisatay dacwacwad ciqaabeedkii loo haystay eedeysanayaasha, taasi oo maxkamadda gobolka banaadir ay ku sii deysay 4 qof oo ka mid ahaa eedeysanayaasha kaddib markii lagu waayay eedeymihii loo haystay, waxeyna maxkamadda gobolka banaadir markii ay dhageysatay marqaatiyaashii ay ku xakuntay 27 qof min lix bilood oo xabsi ah Taliyaha saldhiga booliska Afar Irdood ee Degmada Xamar weyne Gaashaanle dhexe Cabdiqaadir Axmed Shire Matooto ayaa sheegay in howlgalka ay ka sameeyen qeybo ka mid ah degmada Xamar Jajab lagu guuleystay, fursadna loo helay in maxkamadda lala tiigsado. “Howl galkan waxaa ka howl galay ciidanka booliiska Soomaaliyeed, saldhiga Xamar Jajab iyo saldhiga booliska degmada Xamar weyne runtii, wuxuuna u dhacay sida loogu tala galay, waxaana lagu soo qabtay dadkii isticmaalayay maandooriyaha iyo qalabkii lagu karinayay” ayuu yiri taliyaha Saldhigga booliska Afar Irdoodka. Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Cisman Dhooro [...]
↧