Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Beeniyay Inuu Xaruntii Hore ee Baarlamaanka Bixiyay

Image may be NSFW.
Clik here to view.
WhatsApp
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcale ayaa been abuur ku tilmaamay in maamulka gobolku uu dhismihii hore ee Baarlamaanka ku wareejiyay Telefishanka Universal.

Wuxuu tilmaamay in si khaldan loo fasiray tallaabada maamulka oo ah in la soo celiyo bilicda xarunta, ayadoo lala kaashanayo hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo ganacsatada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu ka codsaday Universal in ay kala qeyb qaataan dib u hagaajinta xaruntii hore ee Baarlamaanka, uuna ka aqbalay. Xaruntaan waxaa loo beddeli doonaa jardiin lagu nasto oo dhir leh, sida uu maamulku tilmaamay.

“Haddii aan ku heshiino inaad gurigaan iiriddiisa (albaabkiisa) xaaqdid, micnaheedu maaha inaan kugu wareejiyay” ayuu yiri guddoomiye Yuusuf.

Sidoo kale duqa Muqdisho ayaa bulshada ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nadaafadda, isla markaana ay yareeyaan waxyaabaha bilicda wax u dhimaya sida bacaha oo kale.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
FB_IMG_1450039067583

Image may be NSFW.
Clik here to view.
WhatsApp
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles