Mogadishu, 30 July 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Ciidanka Danab oo seddex Al-Shabaab ku diley Gobolka Sh/Hoose, Dowladda oo Daahfurtay Ololaha Talaalka Cudurada Sambabka ee Ariga, Ciidanka oo la wareegay Degmada Aw-Dheegle, Hay’adaha Amniga oo Gaari Walxaha Qarxa iyo hub gacanta ku soo dhigay, Wasiirka Gaashaandhiga oo dhiirigeliyey ciidamada ku sugan Caabudwaaq, Cayaartoyda Puntland oo ku guuleystay koobka Dowlad Goboleedyada, Safiirka Somalia ee Pakistan oo waraaqihii Aqoonsiga laga guddoomay, Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo oo la doortay, iyo Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo la wareegay deegaanka Beer-Xaano. Ciidanka Danab oo seddex Al-Shabaab ku diley Gobolka Sh/Hoose Ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ay wehliyaan Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa waxyeelo xooggan ugu geystey maliishiyaadka argagixisada Al-Shabaab degaanka Aw-Dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidammada huwanta ayaa cagta mariyay laba xero oo Al Shabaab ay halkaasi ku lahayd, waxaana isla goobtaasi lagu dilay saddex ka mid ah argagixisada, iyadoo laba gaari oo kuwa dagaalka ahna laga burburiyay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an inay sii [...]
↧